Wararka laga helayo magaalada Mosko ayaa sheegaya in diyaarad rakaab ay ku burburtay kadib markii ay ka duushay Garoonka diyaaradaha Domodedovo Airport magaalada Mosko.
Diyaaradda ayaa siday dad gaaraya 71 qof iyo shaqaalihii diyaaradda, waxana laga waayay Qalabka lagula socdo diayaradaha markii ay ka duushay garoonka magaalada Moscow, iyadoo ku sii jeeday magaalada Orsk.
Diyaaradda waxaa lahayd shirkadda aratov Airlines, wuxuuna nooceedu ahaa An-148. Waklaalada Wararka Ruushka ee Interfax ayaa sheegtay in diyaaradda ay burburtay, isla markaana aanay jirin cid ka badbaaday.
Wararka ayaa sheegaya inay diyaaradda ku dhacday degaanka Argunovo, oo qiyaastii 80km uga beegan Koonfur Bari ee magaalada Moscow.