Thursday, June 26, 2025

Diyaarad sida Saanad Ciidan & Hub oo lagu qabtay Garoonka Muqdisho [Yaa iska leh..?]

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in diyaarad lagu qabtay garoonka kadib markii la ogaaday inay sido saanad ciidan.

Diyaaradan oo ah mid xamuul oo laga leeyahay dalka Talyaaniga ayaan lagu wargelin maamulka Garoonka, iyadoo shaki ka dhashay xamuulka ay sido diyaaradan kadib baaritaan lagu sameeyay lagu arkay qalab iyo gaadiid.

Mamulka Garoonka ayaa sheegay inay diyaaradda saaran yihiin laba Gaari oo ah kuwa aanay rasaastu  karin, Qoryo kala duwan oo Boobayaasha culus iyo kuwa fudud isugu jira, Bistoolado, rasaas iyo jaakadaha laga xirto rasaasta.

Saraakiil ka socota Safaaradda Talyaaniga ee Muqdisho ayaa tegay garoonka iyagoo sheegtay inay leeyihiin Saanadda ay sido rasaasta, isla markaana ay doonayaan in lagu wareejiyo, waxaana socda waanwaan arrintan ku saabsan.

Talyaaniga oo ciidamo kooban ka joogaan Soomaaliya ayaa wararku sheegayaan in hubka iyo saanadda uu la yimid Muqdisho aanay ka war heyin maamulka garoonka iyo dowladda Soomaaliya, taasoo keentay in la xayiro diyaaradda siday xamuulka.

Goobooge

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON