Dowladda Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday inay dalka ka masaafurisay muwaadiniin Kenyaati ah oo sharci darro ku joogay dalka.
War ay soo saartay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in laba nin oo Kenyaati ah magaalada Muqdisho laga masaafuriyay iyadoo lagu celiyay dalkooda.
Labadan nin ayaa waxaa gacanta ku soo dhigay saraakiil ka tirsan Hay’adda Socdalka iyo Jinsiyadda, gaar ahaan Qeybta Dabagalka, waxaana maanta dib loogu celiyay Dalka Kenya.
Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ayaa labadan nin ka mamnuucday in mar dambe ay dib ugu soo laabtaan dalka.
SAWIRRO
Goobjooge.com