Monday, July 14, 2025

DEGDEG: Fanaaniintii Xiddigaha Geeska oo xabsiga Hargeysa laga sii daayay

Fanaaniintii Xiddigaha Geeska ayaa goor dhoweyd xoriyadoodii dib u helaya kadib markii Maxkamadda Hargeysa ay amartay in lasii daayo oo aanay ku xirneyn qaab sharci ah, taasoo ka dambeysay mdaxweynaha Somaliland cafis u fidiyay, waxaana sidaasi xaqiijiyay Guddoomiyaha kooxda Geeska Abwaan Xasan Dhuxul Laabsalaax oo sheegay inay xilligan xor yihiin afartii fannaan ee xirnaa balse arrimihii sii deyntooda ay socoto.

Geeska

Nimcaan Cabdiraxmaan (Nimcaan Hillaac), Xamda Cabdikariin (Xamda Queen), Maxamed Axmed Bakaal (Cirro) iyo Cabdiraxmaan Caydiid Oday ayaa afar maalmood oo xabsi ah kadib hadda dib u helaya xoriyadooda iyadoo dadaalo badan oo arintan loogu jiray ay mira dhaleen.

Afarta fannaan ayaa loo heystay inay bandhig ku qabteen magaalada Muqdisho, waxaana cadaadis weyn lagu saaray xukuumada Somaliland inay fannaaniintaas sii deyso.

Warar kale aya sheegaya in Maxkamada Maamulka Somaliland ee Hargaysa ay bixisay amarka sii deynta fanaaniita oo amarkaasi saaka la gaarsiiyay Ciidamada Booliiska Somaliland kadib faragelinta madaxtooyada Somaliland ku sameysay kiiskan.

Baaqyo kala duwan iyo jawaabo qaarkood asluubtii ka tegay oo la isku weydaarsanayo baraha bulshada ayaa hareeyay xariga fanaaniintan, waxayna arrintan soo afjareysaa mid ka mida ceebaha maamulka Somaliland iyo hab dhaqankiisa ku aadan Soomaalida kale.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-7″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON