Wednesday, June 25, 2025

DEGDEG: Gaadiidka Ciidamada AMISOM oo Muqdisho ku jiiray Fannaan Caan ah

Warar laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in gaadiid ay wateen ciidamada AMISOM uu magaalada Muqdisho ku jiiray fannaan iyo mulaxamiiste caan ah.

Gaari ka mid ahaa kolonyo ay leeyihiin ciidamada AMISOM ayaa la sheegay in meel u dhow Garoonka diyaaradaha Aden Cadde ee magaalada Muqdisho uu ku jiiray Hobolka weyn ee Jiim Sheekh Muumin.

Hobolkan oo caan ku ahaa heesaha, hal abuurka iyo laxanka ayaa la sheegay inuu dhaawac ka soo gaaray shilkan ay AMISOM geysatay. Dhaawaca fannaanka ayaa u badan madaxda waxaana la dhigay isbitaalka.

Jiim Sheekh muumin ayaa sanado ku xirnaa Somaliland iyadoo loo heystay fannaan kale oo uu dilay markii ay xabbad uga fakatay, waxaana lagu sii daayay dadaal ay galeen dad kal duwan.

Shilalka ay ku lug yeelato ciidamada AMISOM ayaa sii kordhaya magaalada Muqdisho iyo gobollada ku dhow, iyadoo gaadiidka askarteeda wataan ay yihiin kuwo awood adeegsada.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON