Saturday, July 19, 2025

DEGDEG: Galmudug iyo Ahlu suna oo heshiis awood qeybsi ah ku gaaray Cadaado

Maamulka Galmudug iyo kooxda Ahlu suna  ee gobolada Dhexe ayaa heshiis goor dhoweyd ku saxiixday magaalada Cadaado oo mudooyinkan danbe wadahadal uga  socday labada dhinac.

Heshiis

Heshiiska oo ka dhacay hoolka shiraraka Madaxtooyada Galmudug waxaa lagu shaaciyay in maamulada  Galmudug iyo Ahlusuna waljameeca ayaa gaareen heshiis buuxda oo awood qeybsi ah, kaasoo labada dhinac ay ku wadaagayaan maamulka Galmudug.

Dhinac Galmudug waxaa u saxiixay Madaxwaynaha Galmudug Mudane C/kariin Xuseen Guuleed halka dhinaca  Ahlu suna uu magacooda ku saxiixay Guddoomiyaha Golayaasha Ibrahim Sheek  Xasan Guureeye iyo Gudoomiyaha Golaha fulinta Sheeekh Maxamed Ahmed Faarax  oo uu wehliyo Guddoomiyaha Golaha talada Sheekh Cumar Sheekh C/qaadir.

Heshiiskan ayay Ahlu suna ku biireysaa Galmudug iyadoo ku yeelan doonta wasiiro dhowr ah laakiin waxaa ka hor yimid oo ku gacan seyray dhinaca dowladda Ahlu suna ee uu hogaamiyo Sheekh Maxamed Shaakir.

Faahfaahinta heshiiska goor dhow…

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON