Guddoomiyaha Degmada Berdaale ee Gobolka Bay Maxamed Isaaq Xasan (Cari-case) ayaa ka badbaaday weerar lagu qaaday hoygiisa oo kooxo hubeysan aya Bam gacmeedyo ku weerareen hoygiisa iyadoo qasaare culus ka soo gaartay ilaaladii guddoomiyaha.
Wararka laga helayo magaalada Baydhaba ayaa sheegaya in guddoomiyaha Berdaale la geeyay magaalada Baydhaba oo xaalad amaan ahan loo keenay.
Marar badan ayaa guddoomiyaha Berdaale weeraro noocan oo kale ah lagu qaaday isagoo ka badbaaday, waxaana lagu eedeynayaa kooxda Alshabaab inay weerarka ka danbeysay.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]