Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa goor dhoweyd shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa magaalada Muqdisho.
Guddoomiye Jawaari ayaa caawa shaaciyey in xukuumadda Soomaaliya ay weerar ku soo qaaday xaruntii Baarlamaanka, iyadoo la doonayo in xoog lagu maquuniyo dowladnimadii iyo sharciyadda dalka.
Wuxuu caddeeyay in arrinta aan loo socon Jawaari iyo kursigiisa ee ay tahay weerar lagu hayo hay’adda Dastuuriga ah ee dalka, isagoo xildhibaannada ugu baaqay inuu badbaadiyo Baarlamaanka.
Wuxuu markii ugu horeysay caddeeyay in arrintan ay salka ku heyso arrimo uu diiday inuu saxiixo oo halis ah. “Waxaan caddeynayaa in xaruntii Baarlamaanka uu la wareegay Ra’iisal wasaaraha, wixii hadda ka dambeeya wixii meeshaas ka dhaca waxaa ka mas’uul ah Ra’isal wasaaraha..” ayuu yiri Jawaari oo intaas ku daray in weerar lagu soo qaaday.
Wuxuu ugu baaqay xildhibaannada inay badbaadiyaan Baarlamaanka, isagoo caddeeyay in mooshinka laga keenay uu jabay, laakiin uu ogol yahay in xildhibaankii ka dhimanaa ay ku soo daraan, codna loo qaado mooshinkaasi.
HOOS KA DAAWO KHUDBAD QIIRO LEH