Thursday, June 26, 2025

DEGDEG: Guddoomiye Jawaari oo si rasmi ah u soo af-jaray Mooshinkii Madaxweynaha Soomaaliya

Shirkii labaad ee Guddoonka Golaha Baarlamaanka, Ra’iisal wasaaraha xukuumadd Soomaaliya iyo xildhibaanada keenay mooshinka xil ka qaadista madaxweyne Xasan Shekeh ayaa goor dhowlagu gabagabeeyay xarunta guddoonka Baarlamaanka ee Villa Hargeysa magaalada Muqdisho.

Degdeg

Kulanka maanta oo ay joogeen xildhibaano ka badan kuwii shirkii hore ayaa waxaa ka hadlay guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) oo sheegay in qodobada ku qornaa mooshinka ay isaga iyo Ra’iisal wasaaraha Cumar C/rashiid sixitaan ku sameeyeen ayna arrintaasi la qaateen, kuna qanceen xildhibaanada mooshinka keenay.

Guddoomiye Jawaari ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqya in Mooshinkii laga keenay madaxweynaha Soomaaliya 12-kii Ogost 2015  si rasmi ah loo soo afjaray maanta, xalna laga gaaray go’aankaasina lagu qanciyay Xildhibaanadii keenay Mooshinka.

Xildhibaan  Cabdi Barre Yuusuf Jabriil oo isna ka hadlay shirka ayaa heegay in Guddoomiyaha Baarlamaanka uu afduubay Xildhibaanadii Mooshinka keenay ee uu ka midka ahaa isla markaana aysan sharciga waafaqsaneyn sida wax loo maareeyay.

Mooshinkii Madaxweynaha ayaa shirkii labaad lagu soo afjaray iyadoo la soo xiray  wadahadalkii laga galay iyadoo xildhibaanadii keenay qaarkood ay qanceen, halka qaar kalena ay weli diidan yihiin in Mooshinkoodii halkaas ku dhinto, lamase oga tallaabada u furan ee ay qaadi doonaan.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON