Wednesday, July 16, 2025

DEGDEG: Guddoomiye Mursal oo Shir jaraa’id qabtay, kana hadlay xariga Mukhtar Roobow

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh ayaa shir jaraa’id ku qabtay  magaalada Muqdisho, isagoo sheegay inay sharci darro ah xariga Mukhtaar Roobow Cali.

Isagoo ka hadlayey xaaladda magaalada Baydhaba ayuu sheegay in qaab aan sharci ahayn loo maray xariga Mukhtaar Roobow, isagoo ah muwaadin u tartamaya xilka K/Galbeed, isla markaana la siiyey Shahaadada  musharaxnimo, wuxuuna caddeeyay in Dastuurka uu xaqu siinayo muwaadin kasta inuu wax doorto ama la doorto.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa xukuumadda Soomaaliya ku eedeeyay inay xayiraad iyo caburin ku heyso xildhibaannada Baarlamaanka, lagana hor istaagay inay isaga la kulmaan, taasoo keentay inuu kasoo guuro Xarunta Madaxtooyada.

Wuxuu si ada uga hadlay xaalada maamulka K/Galbeed iyo faragelinta ay dowladda ku heyso maamulkaasi, wuxuuna dadka magaalada Baydhaba ugu baaqay inay joojiyaan bannaanbaxyada.

Guddoomiye Mursal ayaa dalbaday in dib loo dhigo doorashada madaxweynaha maamulka K/Galbeed oo xilligan aanay suuragal ahayn inay dhacdo doorasho xalaal ah.

HOOS KA DAAWO

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON