Guddoomiye waaxeed ka tirsan degmada Shibis ee Gobolka Banaadir ayaa goor dhoweyd lagu dilay magaalada Muqdisho.
Koox dabley ah ayaa degmada Shibis ku toogatay mas’uulkan ka tirsan degamadaasi oo madax ka ahaa waaxda afraad, waxaana magaciisa lagu sheegay Ilyaas C/laahi Sheekh, iyadoo kooxihii dilka geystay ay ka baxsadeen goobta.
Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane ayaa xaqiijiyay in la dilay Gudoomiyihii Waaxda 4-aad ee degmada Shibis C/laahi Ilyaas Sheekh, isagoo sheegay in ciidanka amaanka ay ku raad joogaan kooxihii dilka geystay.
Goobjooge.com