Wednesday, June 25, 2025

DEGDEG: Gudoonka Barlamanka oo beeniyay inay gudbiyeen Mooshinka Madaxweynaha, laakin…

Guddoonka Baarlamaanka ayaa sheegay inuusan jirin warka sheegaya in Maxkamadda  sare loo gudbiyay Mooshinka Madaxweynaha laga keemnay, isagoo arrintaasi u sheegay xildhibaanada taageersan madaxweynaha iyo xubno wasiiro ah oo hadda kulan la leh guddoonka.

jawaari-xaalad
Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari)

Guddoonka Baarlamaanka ayaa caddeeyay inay been abuur yihiin wararka lagu baahiyay website-yada qaarkood ee ku saabsan in Maxkamadda sare la geeyay mooshinkaasi. Kulanka labada dhinac oo ilaa iminka socda ayuu guddoomiyaha Baarlamaanku sheegay inuu doonayo inuu helo qaab mooshinka ogeysiin ahaan loogu diro Maxkamadda sare.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa u sheegay labada dhinac ee mooshinka kala taageersan, qaarna ka soo horjeedaan inuu damacsan yahay inuu qoraal wargelin ah u diro Maxkamadda sare oo uu ku sheegay ogeysiin, arrintaas oo la filayo inay dhacdo maalmaha soo socda.

Waxaa socda shirar uu guddoonku la leeyahay labada dhinac si uu kalsooni uga helo iyadoo mooshinka madaxweynaha saddex toddobaad uu galay inta guddoonka Baarlamaanku uu gacanta ku hayo. Dadaalka guddoomiye Jawaari iyo ku xigeenadiisa ayaa ay ku jiraan ayaa ah inay helaan qaab ay labada dhinac raali ka yihiin, taasoo u muuqata inay adag tahay balse guddoomiye Jawaari waxaa ka go’an inuu gudbiyo Mooshinka.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON