Wednesday, June 25, 2025

DEGDEG: Hoggaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga oo Isbitaal loola carray [Sawirro].

Hogaamiyagha Isbaheysga mucaaradka Kenya ayaa la sheegay in caawa Isbitaal loola cararay kadib markii xaaladii caafimaad ay degdeg isu bedeshay.

Raila Odinga oo ah musharaxa madaxweynaha Kenya ee Isbaheysiga mucaaradka Kenya ayaa la dhigay isbitaalka magaalada Mombasa, iyadoo la sheegay in la tuhunsan yahay cunto la sumeeyay inuu cunay, sida uu sheegay afhayeenkiisa.

Xaaladda Raila Odinga ayaa warbaahinta Kenya ay sheegtay in baaritaan lagu hayo si loo ogaado waxa sababay caafimad xumadda degdega ah ee ku dhacday. Xaaladan ayaa la soo deristay Raila kadib markii uu khudbad ka jeediyay isu soo bax doorasho oo ka dhacay degaanka Kilifi.

Wasiirkii Amniga Kenya Joseph Nkasery ayaa si lama filaan ah u geeriyooday dhowaan kadib markii isbitaal loola cararay habeenimadii Jimcaha.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON