Thursday, July 3, 2025

DEGDEG: Hoobiyayeel ku soo dhacay qeybo ka mida magaalada Muqdisho

War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in madaafiic hoobiyeyaal ah ay ku soo dhaceen degaano ka tirsan degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Madaafiicdan ayaa la sheegay in laga soo tuuray duleedka Muqdisho, siiba degaanka Kaxda iyo meelaha u dhowdhow, waxayna ku habsadeen xaafado ka tirsan degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, siiba xaafada Kaawo-Godey oo dhowaan qaraxa ka dhacay.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya inuu jiro qasaare ay dhaliyeen madaafiicda oo u badan dhaawac, waxaana hadda soo baxaya faahfaahin ku saabsan madaafiicdan iyadoo wararkii ugu danbeeyay sheegeen in 5 qof ay ku dhaawacmeen madfac ku dhacay guri ku yaala xaafladda Kaawo-godey.

Dadka degaanka Kaxda ayaa sheegay in hoobiyeyaasha laga soo tuuray degmada Kaxda, gaar ahaan meel u dhow ceelka lagu magacaabo Cismaan Cali.

Weerarada noocan ah ayaa waxaa sheegtay kooxda ALshabaab, waxayna ku soo beegantay iyadoo maanta magaalada lagu caleemo saaray madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

LA SOCO FAAHFAAHINTA…

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON