War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in maalintii Jimcaha Booliska dalka Kenya ay xireen nin lagu tuhunsan yahay inuu ka tirsan yahay ururka Al-Shabab oo kusii socday dalka Soomaaliya. Ninkan ayaa lagua magacaabaa Javan Morton Murai oo loo yaqaan Jamaal.
Ninka ayaa Booliska Kenya sheegeen in lagu qabtay gobolka Marsabit, xilli uu ku sii jeeday dhinaca Soomaaliya. Waa 27 sano jir arday ka ahaa Jaamacadda Kabarak University ee Gobolka Vihiga County.
Waxaa ninkan la sheegay in lagu qabtay isagoo wata waxyaabo laga sameeyo aaladaha qarxa, madax kombiyuutar, dhowr aqoonsi oo kala duwan iyo buug ay ku keydsan tahay xog la xiririta argagixisonimada.
Jariirada Daily Nation ee dalkaasi Kenya ayaa qoray in sarkaal ka tirsan waaxda Dembi baarista ay sheegeen in ninkaasi xabsiga uu ku sii jirayo 14 maalmood inta dacwad looga soo oogayo.
Goobjooge.com