Waxaa hadda bilowday khudbadaha ay jeedinayaan musharixiinta u taagan Guddoonka Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Kulanka Aqalka sare ayaa ku furmay 33 xildhibaan iyadoo 3 xildhibaan oo cusub lagu dhaariyay kulanka oo ah mid lagu dhageysanayo khudbadaha musharixiinta.
Musharax Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa hadda jeedinaya khudbadii ugu horeysay ee musharixiinta isagoo u tartamaya xilka guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Cabdi Xaashi ayaa loo saadaalinayaa inuu xilkan ku guuleysan doono iyadoo uu la tartamayo mushrax da’ yar oo lagu magacaabo Mustafe Maxamed Qodax oo hore u ahaa xog-hayaha Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ee Somaliland.
Goobjooge.com