Monday, June 23, 2025

DEGDEG: Madaafiic caawa lagu weeraray xaafado ka tirsan Muqdisho

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dhowr madaafiic hoobiyeyaal ah ay ku dhaceen caawa xaafado ka tirsan degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho.

Madaafiicda ayaa dadka degaanka sheegeen inay ahaayeen ilaa saddex hoobiye oo maqribnimadii kadib ku dhacay degmada Xamarjajab, waxaana jira qasaare kala duwan, iyadoo gaadiidka gurmadka degdega ay gaareen xaafadaha waxyeelada soo gaartay.

Dhinaca kale rasaas xoog leh ayaa laga maqlayaa degmada Xamar jajab xaalada ayaa kacsan, waxaana soo baxaya warar isa soo taraya oo ku saabsan madaafiicda.

Ad

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in madaafiicdu ay ka dhasheen qasaare laba qof oo dhimasho iyo dhawac ka badan 10 ruux.

Guddoomiyaha Degmada Xamar Jabjab  Maxamed Cusmaan Dhoorre ayaa sheegay in furi ay deganaayeen qoys danyar ah oo ku yaalla degmada Xamar Jabjab uu ku habsaday  mid kamid ah madaafiicda.

GOOBJOOGE.COM

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON