Sunday, July 13, 2025

DEGDEG: Madaafiic Hoobiyeyaal ah oo ku dhacay agagaarka Madaxtooyada Soomaaliya..

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Madaafiic hoobiyeyaal ah ay caawa dhaceen qaar ka mida degmooyinka Gobolka Banaadir, siiba agagaarka Madaxtooyada Soomaaliya.

Hoobiyeyaasha oo lagu qiyaasay 9 madfac ayaa ku dhacay degmooyinka Wardhiigley, Waaberi, Xamar Jajab iyo meelo kale, waxaana qaarkood ay ku hoobteen agagaarka Madaxtooyada Soomaaliya oo maanta ay shir ku yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxda maamul Goboleedyada dalka.

Lama oga qasaaraha ay dhaliyeen, waxaana hadda uun soo baxaya faahfaahinta ku saabsan madaafiicda caawa ku hoobatay xaafado ka mida caasimadda oo ka badnaa kuwii hore Alshabaab ugu weerari jirtay..

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON