Monday, June 23, 2025

DEGDEG: Madaafiic laga maqlay Muqdisho iyo xerada Xalane oo la sheegay in lagu beegsaday

Jugta madaafiic loo maleynayo inay hoobiyeyaal ahaaheey ayaa goor dhoweyd laga maqlay magaalada Muqdisho , gaar ahaan degaanada u dhow Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

Ilaa saddex madfac ayaa la sheegay in lagu tuuray xerada Xalane ee saldhigga ah Hay’adaha Q/Midoobay, Taliska AMISOM iyo safaaradaha shisheeye, mana jirto weli wax faahfaahin ah oo kasoo baxay duqeyntan.

Alshabaab ayaa sheegatay weerarka madaafiicda ah ee lagu qaaday xerada Xalane ee ku dhegan Garoonka Diyaaradaha Muqdisho iyo qasaare kasoo gaaray ciidamada AMISOM.

Falka duqeynta ah ayaa kusoo beegmaya iyadoo lagu wado inuu xerada Afisyoone ka furmo shirka wadatashiga Madaxda Soomaalida ee xalinta khilaafka Doorashada.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON