Friday, June 27, 2025

DEGDEG: Madaxweynaha Algeria oo ka haray tartankii Doorashada dalkaasi &..

Bayaan goor dhoweyd kasoo baxay madaxweynaha Algeria C/casiis Butafliqa ayaa lagu caddeeyay inuu isaga haray tartankii doorashada dalkaasi oo markii shanaad uu tartankiisa ku jiray.

Arrintan ayaa ka danbeysay toddobaadyo ay socdeen bannaanbaxyo waaweyn oo lagu dalbanayey inuu isaga haro doorashada dalka Algeria, isagoo 81 sano jir ah, isla markaana xanuunsan oo kursi lagu riixo, markii cudurka neerfaha uu ku dhacay.

Warka kasoo baxay Madaxweynaha Algeria ayuu ku sheegay inuusan raadineynin markii shanaad in la doorto, taasoo xaaladiisa caafimaad iyo da’diisa aanay u saamaxeynin, wuxuuna dib u dhigay doorashada oo lagu waday inay dhacdo 18-ka April, waxaana Doorashada qabanqaabadeeda ka wadahadli doona Guddiga Doorashada iyo xukuumadda cusub oo la dhisayo.

C/casiis Butafliiqa ayaa shalay kasoo laabtay dalka Switzerland oo arrimo caafimaad loo geeyay muddo 2 toddobaad ah.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON