Saturday, July 12, 2025

DEGDEG: Madaxweynaha Ruushka oo Amray inay Ciidamadiisa galaan dalka Ukraine iyo Qaraxyo…

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa ku dhawaaqay howlgal Milateri oo ciidamada Ruushka ku galeen Gobolka Donbas ee dalka Ukraine.

Howlgalkan oo goor dhoweyd bilowday ayaa waxaa ka horeeyay in Ruushku hawada dalka Ukraine ka xiray diyaaradaha Rayidka, markii uu soo saaray digniin ku socota Diyaaradaha rayidka ah ee hawadaasi isticmaalaya.

Vladimir Putin ayaa uga digay ciidamada Ukraine inay dagaal la galaan, wuxuuna ugu baaqay inay hubka dhigaan oo isaga tagaan Gobolka Donbas, kuna laabtaan dalkooda, sida uu yiri, wuxuuna mas’uuliyadda wixii dhiig ah ee daata ay qaadan doonaan ciidamada Ukraine.

Madaxweynaha Russia wuxuu sheegay inuu Hubka ka dhigayo Ukrainę, meeshana ka saarayo kooxaha xagjirka Naasiyiinta ah ee dalkaasi la wareegay, Howlgalkooduna ku wajahan yahay Donbas, oo aysan dooneyn inay qabsadaan dalka Ukraine.

Xilliga uu howlgalka milateri ku dhawaaqay Madaxweynaha Ruushka waxaa xarunta Qaramada Midoobay ee New York shir degdega ku leh Golaha Amniga oo ay guddoomineyso Bishan dowladda Ruushka.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in qaraxyo waaweyn laga maqlay qeybo ka mida Gobolka Donbas oo ah Gobol ka go’ay dalka Ukraine oo Ruushku aqoonsaday, iyadoo ay halkaasi gaareen ciidamada Ruushka.

Waxaa kaloo qaraxyo laga maqlay magaalada Kiev ee caasimada Ukraine ee Kiev, iyadoo dagaalku si rasmi ah u bilowday,

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON