Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhaba ayaa sheegaya in wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ay goor dhow gaareen magaalada Baydhaba.
Wafdiga Madaxweynaha oo aan la fileyn inay tagaan Kismaayo ayaa hadda ka degay garoonka Baydhaba wuxuuna ka qeybgeli doonaa caleemo saarka guddoonka Baarlamaanka Koonfur Galbeed ee Soomaalida oo xaflad loo qabanqaabiyay ay ka socoto Baydhaba.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan ayaa isna tegay Baydhaba, waxaa kaloo xaflada ka qeyb galaya wakiilo ka socda maamulada Jubba iyo Galmudug.
Goobjooge.com