Wednesday, June 25, 2025

DEGDEG: Madaxweynayaasha Turkiga & Soomaaliya oo xariga ka jaray Safaaradda Turkiga ee Muqdisho

Madaxweyayaasha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Turkiga Rajab Dayib Ordogan ayaa si wadajir ah goor dhoweyd xariga uga jaray dhismaha safaaradda cusub ee Turkiga ka dhisay magaalada Muqdisho.

Xafladda xariga looga jaray safaaradda waxaa kaloo goobjoog ka ahaa madaxda dowladda Federaalka sida Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra’iisal wasaaraha xukuumadda oo ay wehliyaan madaxda maamulada dalka oo Muqdisho ku sugan.

Sidoo kale Madaxweynayaasha Turkiga iyo Soomaaliya waxay xariga ka jareen isbital cusub oo caruurta iyo haweenka u gaara oo Muqdisho ay ka hirgelisay dowladda Turkiga.

Booqashada madaxweynaha Turkiga ee Muqdisho oo ah tii saddexaad ayaa lagu wadaa in la soo gabagabeeyo galabta, isagoo dib ugu laaban doona dalkiisa.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON