Madaxweynaha Mareykanka ayaa goor dhoweyd oo hadda ah ka degay garoonka diyaaradaha Jomo Kenyata ee magaalada Nairobi kadib saacado badan oo halkaasi lagu sugayay wafdigiisa oo Washington kasoo anbabaxay xalay kuna soo hakaday dalka Jarmalka oo shidaal ay diyaaradihiisu ka soo qaateen.
Madaxweynaha ayaa waxaa ammaankiisa ilaalinaya boqolaal ciidamo Mareykan ah oo Kenya ku sugnaa maalmo, waxaana gebi ahaan la xiray wadooyinka waaweyn ee caasimadda.
Imaanshaha Madaxweyne Brack Obama ee Nairobi ayaa ah mid taariikhi ah iyadoo aabihii Barack Hussein uu ka soo jeedo dalka Kenya.
Markii uu soo degay madaxweyne Obama waxaa garoonka uga hortegay madaxweynaha Kenya oo ay isa salaameen, waxaana durbadiina durbadiina uu salaamay madax badan oo Kenyaati oo saf ugu jiray soo dhoweyntiisa, waxaana goobta ka soo xaadirin oo la arag madaxweyne ku xigeenka Kenya William Ruto oo isagu ku eedeysan dembiyo dagaal.
Obama walaashiis ayaa la socota oo ay wada raaceen gaarigii loogu talo galay wafdigii kale waxaa la saaray basas, waan sida booqashooyinka shaqo ee madaxda loo agaasimo dalka Kenya…
Obama ayaa markii uu soo gaaray Garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta ayaa wuxuu saxiixay buuga martida..
Soo degitaanka iyo qaabilaadda kadib waxaa madaxweynaha Mareykanka loo galbiyay hoteladii loogu talogalay in la dejiyo wafdigiisa.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]