Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa goor dhoweyd gaaray magaalada Afgooye ee gobolka Sh/hoose. Wafidga waxaa magaalada Afgooye geysay diyaarad helikobtar ah.
Socdaalka labada mas’uul ee heer federaal iyo maamul ayaa la sheegay inuu ku saabsan yahay inay kulan la yeesheen saraakiisha ciidamada AMISOM ee gobolka Sh/hoose oo ay kala hadli doonaan xaaladda milateri ee Gobolka Sh/hoose oo ciidamada AMISOM ay bilaabeen inay isaga baxaan degaano badan oo ka mida gobolka.
Madaxda sare ee dowladda Federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed ayaa aad uga walaacsan dib u gurashada ciidamada AMISOM waxaana guddoomiye ku xigeenka Gobolka Sh/hoose C/fataax Xaaji Cabdulle uu sheegay in madaxda sare ay saraakiisha AMISOM shir kula leeyihiin xerada weyn ee Afgooye.
Xaaladda ammaan ee gobolka Sh/hoose ayaa kasii dareysay kadib weerarkii Janaale ee 1-da bishan Alshabaab ku qaadeen xaruntii AMISOM oo qasaare ballaaran ka soo gaaray.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]