Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa jawaab kulul ka bixiyay mooshinka ay xildhibaano ka tirsan Golaha baarlamaanka shalay geeyeen guddoonka golaha Baarlamaanka oo ku saabsan in isaga xil ka qaadis lagu sameeyo, iyagoo ku soo eedeeyay inuu khiyaamo qaran iyo musuqmaasuq sameeyay.

Madaxweynaha ayaa si cad u sheegay in mooshinkaasi ay wadaan kooxo yar oo qas-wadayaal ah sida uu yiri wuxuuna caddeeyay inaan kuwaasi aanay hor-joogsan karin dowladiisa iyo dadaalka weyn ee ay ugu jiraan in dalka lagu gaarsiiyo xaalad nabadgelyo iyo mid doorasho oo ka duwan tii 2012-da.
“Dowladu hore ayay u socotaa qas-wadayaal yar oo la wada yaqaan ma joojin karaan horurmarka dowladda” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud oo shir jaraa’d fiidnimad caawa ku qabtay magaalada Muqdisho, waxaana uu cadeeyay in mooshinka uu yahay mid lagu doonayo in qas looga abuuro dowlada dhexdeeda balse aan marna loo hakan doonin.
Madaxaweynaha wuxuu si toos ah u weeraray xildhibaanada hor-boodaya mooshinka, wuxuuna sheegay in ujeedkooda siyaasadeed iyo meelaha ay ku xiran yihiin ay shacabka Soomaaliya wada garayaan, taariikhduna ay sheegi doonto.
Shirka jaraa’id oo hadda socda warbixin dheeraad filo goor dhow insha allaah
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]