Wednesday, June 25, 2025

DEGDEG: Madaxweynihii hore ee Yeman Cali Cabdalla Saalax oo la dilay

Wararka ka imaanaya dalka Yaman ayaa sheegaya in madaxweynihii hore ee dalkaasi Cali Cabdalla Saalax lagu dilay dagaal uu Xuutiyiinta kula galay magaalada Sanca.

Telefishin ay Xuutiyiinta maamulaan oo lagu magacaabo al-Masirah ayaa baahiyay muuqaalka nin wasiirka arrimaha gudaha lagu sheegay oo shaacinaya in “la afjaray dhibaatada maliishiyada khiyaanada qaran sameysay, lana dilay hoggaamiyahooda”.

Ma jiro war madaxbannaan ee arrinta xaqiijinaya, balse sawirro lagu baahiyay baraha bulshada waxay muujinayaan maydka Saalax.

Xisbiga siyaasadeed ee uu ka tirsan yahay ayaa beeniyay in la dillay xilli hore, ka dib markii kooxda Xuutiyiinta ay qarxiyeen gurigiisa ku yaalla caasimadda Yaman ee Sanca.

Wixii ka horeeyay isbuucii tagay, taageerayaasha Cali Cabdalla Saalax waxay la safnaayeen ururka shiicada ah ee Xuutiyiinta, waxayna dagaal kula jireen dowladda Yaman ee Sucuudiga uu taageero.

Madaxweyne Cabdrabbuh Mansuur Haadi oo la doortay ka dib markii Saalax xilka looga tuuray kacdoon ayaa xarun ka dhigtay Sacuudiga.

DAAWO VIDEO: Muuqaalka Meydka Madaxweynihii hore ee Yeman oo Xuuthiyiintu dileen

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON