Madaxweynihii Zimbabwe Robert Mugabe ayaa xilka iska casilay sida uu shaaciyay afhayeenka Baarlamaanka dalkaasi.
Warqad qoraal ah oo ka timid Mugabe ayuu ku sheegay inuu go’aankaasi isagu qaatay si awoodda dalkaasi nabadgelyo loogu kala wareego, waxaana arritnan goor dhow shaaciyay guddoomiyaha Baarlamaanka Zimbabwe Jacob Mudenda.
Is-casilaadda lama filaanka ah ee 93 sano jirka dalkasi xukumayay in ka badan 37 sano ayaa timid iyadoo baarlamaanka dalkaasi uu bilaabay mooshin uu xilka uga qaadayo, waxaana hadda la hakiyay mooshinkii.
Wararkii ugu danbeeyay ee magaalada Harare ayaa sheegaya in dadweyne isu soo baxay ay bilaabeen inay dabaaldegaan, kadib markii uu xilka banneeyay madaxweynihii ugu cimriga iyo xilka dheeraa xilligan.