Waxaa iska soo daba dhacaya wararka ku saabsan qaraxii lala beegsaday Hotelka caanka ah ee Jazeera oo ku yaala agagaarka garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho, qaraxaas oo loo adeegsaday Gaari xamuul ah oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, iyadoo hore loo ogaaday in qofka qaraxaasi geystay uu ahaa Soomaali heysta dhalashada dalka Jarmalka oo ku noolaa magaalada Bonn ee dalka Jarmalka.
Xogta laga helayo Hay’adaha sirdoonka iyo kuwa Soomaalida ee ku dhex jira baaritaanka qaraxa ayaa sheegaya in ninka qaraxa geystay lagu magacaabo Cabdirisaaq Muuse Buux oo ku noolaa dalka Jarmalka, kaasoo soo kaxeeyay gaariga weyn ee lagu burburiyay hotelka Jazeera.
Ninkan ayaa la sheegay inuu ka soo jeedo degaanada Somaliland, wuxuu ku dhashay dalka Liibiya, kadibna dalka Jarmalka ayuu degay, waxaa kaloo uu tegay magaalada Qaahira ee dalka Masar iyo Boorama, gobolka Awdal oo uu ka soo jeedo. Cabdirisaaq Buux ayaa la sheegay inuu muddo saddex sanadood ah ka mid ahaa ururka Alshabaab.
Sida saraakiisha Sirdoonka aanu ka heleyno ninkan ayaa lagu wadaa inuu ka mid yahay kooxo liiska hay;adaha nabad sugidda ku jiray oo Alshabaab ku biiray. Is-miidaamiyeyaasha qaraxyada waaweyn ka geysta caasimadda Soomaaliya ayaa u badan dhalinyaro ka timid Mareykanka iyo Yurub.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]