Thursday, July 17, 2025

DEGDEG: Maxkamadda Sare ee Kenya oo baabi’isay natiijadii Doorashada [Doorasho cusub]

Maxkamadda sare ayaa go’aamisay in doorashada madaxtinimada dalkaasi ee dhacday August 8, 2017  dib loogu noqonayo.

Go’aanka maxkamadda ayaa ka danbeeyay markii ay maanta u fariistay dacwadda doorshada ka taagneyd waxaana ay caddeysay  in si aan dastuurka waafaqsaneyn loo qabtay doorashada.

Maxkamadda Sare ee Kenya ayaa sheegtay in doorashada laga soo qaadayo mid aan waxba ka jirin. Waxaana natiijadii soo baxday ay noqoneysaa mid la laalay oo aanay waxba ka jirin.

Taas waxay la mid tahay in Uhuru Kenyatta uusan ku guuleysan doorashada, isla markaana mar kale la qabanayo doorasho kale, taasoo xaaladda Kenya  ka dhigeysa mid kacsan oo aan la saadaalin karin.

Hogaaamiyaha isbaheysiga mucaaradka ee NASA Raila Odinga ayaa sheegay inay Kenya iyo Afrika u tahay maalin taariikhi ah oo cadaaladda ay shaqeysay.

Doorashada xilka madaxweynaha ee Kenya ayaa lagu qaban doonaa laba bilood gudahood. Maxkamadda Sare ayaa waxba kama jiraan ka soo qaaday doorashadaasi.

Laakiin qaar ka mid ah qareenadii u doodayay madaxweyne Uhuru Kenayatta ayaa sheegay inaysan ku qancin go’aanka maxkamadda sare. Waxaa dabaaldegyo billaabay taageerayaasha mucaaradka, sida ka muuqato sawirrada hoose.

Raageerayaasha mucaaradka
Raageerayaasha mucaaradka
Dabaaldegyo
Dabaaldegyo

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON