WAR DEG DEG AH: Mo Farah ayaa goor dhoweyd ku guuleeystay tartanka orodka 10,000m ee cayaaraha fudud ee adduunka oo maanta ka furmay magaalada Beijing.
Moa Farah ayaa soo hooyay guul weyn oo mar kale uu ku muujiyay inuu yahay orodyahan caalami ah. Biladda dahabka ah ee Moa Farah ayaa noqoneysa tii ugu horeysay ee UK ay ka hesho ciyaaraha Beijing.
32 jirka hore u heystay biladaha orodka Olombikada adduunka waxaa loolanka ugu adag uga imaanayay saddex orodyahan oo Kenya u dhashay, wuxuuna wareegii ugu danbeeyay ka hor maray in yar oo guusha uu ka hantiyay isagoo ka horeeyay 54.15 seken orodyahanda Geoffrey Kamworor iyo Paul Tanui.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]