Guddoomiyaha xisbiga talada haya ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa goor dhoweyd loo doortay musharaxa xisbiga Kulmiye ee jagada madaxweynaha Somaliland kadib doorasha ay qabteen Golaha dhexe ee xisbiga oo ka dhacday Hotelka Maansoor ee magaalada Hargeysa.
Muuse Biixi ayaa helay 344 cod, iyadoo ay goobta shrika ku sugnaayeen 365 xubin oo ka tirsan golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye. Ma jirin cid la tartantay Muuse Biixi, kadib markii ay doorashada qaadeen dhammaan musharxiintiid kale ee xisbiga.
Mushraxa Madaxweyne ku xigeenka waxaa isna ku guuleystay C/axman Cabdullahi Ismaaciil Seylici, oo helay 230 cod, waana madaxweyne ku xigeenka hadda xilka haya oo mar kale xilkaasi loo sharxay.
Waxaa la tartamay wasiirka caafimaadka Saleymaan Ciise Xaglatoosiye oo helay 114.
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamad Maxamuud (Siilaanyo) oo goobta joogay ayaa ku dhawaaqay inuusan tartamayn mar kale xilka madaxweynah Somaliland.
Goobjooge.com