Waxaa goor dhow soo gabagaboobay Doorashada Guddoomiye ku xigeenka Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Xilkan oo ay ku tartamayeen 7 musharax oo ka soo jeeda beelaha Daarood iyo Hawiye waxay natiijadii noqotay:
Musharaxiinta Guddoomiye ku xigeenka 1-aad waxaa u tartamaya
1- Xasan Faarax Xujaale. = 1
2 – Axmed Xaashi Maxamuud = 1
3 – Cabdiwaaxid Cilmi cumar. = 2
4 – Abshir Maxamed Maxamuud. = 17
5 – Cabdi Axmed Dhuxulow. = 14
6 – Maxamuud Axmed Maxamuud. = 11
7 – Cabdirisaaq Cusmaan Cali. = 6
Waxaa wareegga labaad u gudbay farta musharax ee ugu codka badan oo kala ah:
Abshir Maxamed Maxamuud. = 17
Cabdi Axmed Dhuxulow. = 14
Maxamuud Axmed Maxamuud. = 11
Cabdirisaaq Cusmaan Cali. = 6
Prof. C/risaaq Cusmaan Jurille ayaa ka tanasulay, waxaana muuqata in laba musharax oo isku beel ah iyo musharax beel kale ah ay ku tartami doonaan wareegga xiga.
Goobjooge.com