Ciidamada Booliska magaalada Muqdisho ayaa gacanta ku dhigay nin dhaawac ah oo la sheegay inuu ahaa ninkii hoobiyaha caawa ku garaacay xaafado ka mida degmada Xamarjajab ee magaalada Muqdisho.
Ninkan ayaa caawa oo dhan la baadi goobayay kadib markii uu ku dhaawacmay rasaas ay ku fureen ciidamada Booliska, kadib weerarka, waxaaan kadib ay ka baxsadeen gaari Bas yar ah oo uu saarnaa qoriga hoobiyaha isaga iyo koox kale, iyadoo kadib ciidamadu kusoo heleen baaritaan lagu sameeyay xaafadda xaaji Baasto.
Dhaawaca ninkan ayay ciidamada Boolisku geeyeen Isbitaal Madiina oo hadda lagu dabiibayo, waxaana ilaalo ka haya ciidamo booliska ah.
Rag kale oo la socday ninkan ayaa qaarkood wararku sheegayaan in iyaguna la qabtay, waana markii ugu horeysay ee ciidamada Booliska ay qabtaan rag weeraro madaafiic ah ka geystay Muqdisho.
Goobjooge.com