War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in nin hubeysan uu madax furasho ahaan u qabsaday dad dhowr ah guri ku yaala duleedka Paris, kadib markii uu Mindi ku dilay sarkaal Boolis ah oo gurigaasi lahaa.
Shilkan ayaa ka dhacay Manganville oo ah magaalo u dhow caasimadda dalka Faransiiska ee Paris, kuna taalla waqooyiga galbeed ee caasimadda.
Ninka dableyda ah ayaa madax furasho u qabsaday qoyska guriga ku noolaa, waxayna Boolisku sheegeen inaan weli la ogeyn ujeedka ninkan.
Ciidamada gaara ayaa isku xeeray guriga, iyadoo howlgal la filayo inay qaadaan si ninkaasi looga badbaadiyo qoyska uu heysto.
Ninkan dableyda ah ayaa dilay xaaska ninka booliska ah ee uu hore u soo dilay, waxaana falkan sheegtay kooxda Daacish.
Goobjooge.com