Sunday, July 13, 2025

DEGDEG: Ninkii abaabulay weeraradii Paris oo lagu qabtay Dalka Belgium

Warar laga helay booliska dalka Belgium ayaa sheegaya ninka abaabulay weeraradii Paris ee 13-kii November 2015 lagu dilay 130 ruux lagu qabtay Belguim.

Ninkan oo lagu magacaabo Saalax  Cabdisalam ayaa la sheegay inay gacanta ku dhigeen Booliska Belgium kadib howlgallo maalmahan ka socday  xaafadda Molenbeek ee hareeraha magaalada Brussels.

Wararka qaar ayaa sheegaya Cabdisalam uu lugta ka dhaawacmay. Waxaana baadigoob ugu jiray booliska dalalka Belgium iyo Faransiiska iyadoo weeraradii Paris  laga soo abaabulay  magaalada Brussels.

Arrintan ayaa ah guul weyn oo u soo hoyatay dalalka Yurub isagoo ninkan awood u yeeshay in mudadaas uu ku dhuunto dalka Belgium.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON