Qaar ka mida xildhibaanada saxiixay Mooshinka laga keenay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inay goor dhow shir jaraa’id ku qabtaan magaalada Muqdisho iyagoo shaacin doonta mowqifkooda cusub oo ku saabsan mooshinkaasi.
Xildhibaanadan oo tiradooda lagu sheegay ilaa toban xubnood ayaa la filayaa inay ku dhawaaqaan inaysan saxiixin mooshinkaasi oo laga been abuurtay, markii saxiixyadooda oo muddo hore ahaa mooshinkaasi hadda lagu qortay.
Shirkan jaraa’id ayaa ka danbeeyay dacwad qoraal ah oo ay xalay xildhibaanadan u gudbiyeen Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya iyagoo si cad ugu sheegay in saxiixyadooda khalad loogu adeegsaday mooshinka. Shirka jaraa’id waxaa xildhibaanadan ku wehlin doona wasiiro xildhibaano ah iyo xildhibaano kale oo taageersan madaxweynaha.
Arrintan ayaa qas cusub ku abuureysa mooshinka lagu waday madaxweynaha, waxaana Muqdisho dib uga bilaabanaya kooxeysigii Baarlamaanka dhexdiisa oo aakhirkii sanadkii hore u kala jabay laba kutladood oo iska horjeeda, waxaana laga digayaa in arrintan xiisad siyaasadeed kale ay dalka geliso.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]