Qarax is miidaamin ah oo qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa uu ka danbeeyay ayaa goor dhoweyd ka dhacay agaagarka Madaxtooyada magaalada Muqdisho. Qaraxa oo qofkii geystay aan la ogeyn sida uu ku soo dhaafay ciidamada ilaalada ka hayay halkaasi ayaa jahawareer iyo kala yaac ku abuuray dadkii iyo ciidamadii halkaas ku sugnaa.
Wararka degdega ah ayaa sheegaya in qasaare dhimasho iyo dhaawac ah uu geystay qofkan is miidaamiyay, oo Hotelka SYL doonayay inuu dhex galo, Hotelka ayaa hore loogu qabtay shirkii wasiirada arrimaha dibadda IGAD, waxaana la filayay in la dejiyo wafdiga madaxweynaha Turkiga isagoo ammaankiisa si weyn loo ilaalinayay..
Wixii ka soo kordha kala soco Goobjooge.com