War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in qarax ka dhashay miino la geliyay goob ay fariistaan ciidamada oo ku dhow suuqa khudaarta ee degmada Afgooye uu ka dhacay halkaasi, iyadoo qasaare dhaawac u badan uu geystay.
Qaraxa ayaa haleelay 4 askari oo ka mida ciidamada iyo 4 haween oo ah kuwa ka ganacsada khudaarta, waxaana dhaawacyadooda la geeyay isbitaalka Afgooye.
Ciidamada dowladda ayaa rasaas furay kadib qaraxa, waxaana xaalada ay noqotay mid lagu kala cararay, waxaana dhaawacyada qaarkood lagu sheegay in xaalkoodu liito.
Goobjooge.com