Wednesday, June 25, 2025

DEGDEG: QARAX KA DHACAY MASJID KU YAALA MAGAALADA BELEDWEYNE

Wararka hadda soo dhacay ayaa sheegaya in caawa uu qarax ka dhacay Masjid ku yaala magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu ahaa mid aad u weyn oo ka dhashay Bam gacmeed lagu tuuray dadkii masjidka ku jiray xilligii salaada cishaha.

Laba qof ayaa la sheegay inay qaraxa ku dhinteen, iyadoo dhaawacuna ka badan yahay 6 kale. Waxaana goobta gaaray ciidamada maamulka gobolka iyo kuwa Beledweyne, dadkii dhaawaca ahaa ayaa la geeyay isbitaalka magaalada Beledweyne.

Masjidka la weeraray ayay wararku sheegayaan inay lahaayeen kooxda Takfiirka loo yaqaan ee muslimiinta kale gaaleysiiya, tirada dadka dhintay ayaa warar kala duwan kasoo baxayaan iyadoo wararka qaarkood sheegayaan in qof uu ku dhintay lix kalena ay dhinteen.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON