Friday, June 27, 2025

DEGDEG: Qarax xoog leh oo lala beegsaday Hotel Jazeera ee Magaalada Muqdisho

Qarax aad u xoog badan ayaa goor dhoweyd ruxay magaalada Muqdisho, iyadoo wararka hadda soo dhacaya ay sheegayaan in qaraxa lala beegsaday Hotelka Jaziira oo ku dhow Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

breaking-news2

Qaraxa ayaa ahaa mid gebi ahaan laga dareemay magaalada oo dhan oo dadkoo dhami ay dibadda u soo yaaceen, awoodda waxyaabaha qarxa ee loo adeegsaday dartood , wuxuuna waxyeelo ba’an gaarsiiyay degaanada u dhow hotelka Jaziira.  Daqiiqado kadib qaraxaasi waxaa bilowday rasaas ay ridayaan ciidamada dowladda oo goobta ku sugnaa iyo kuwo kale oo soo gaaray, iyadoo xaalada ay cakiran tahay isla markaana baabuurta gargaarka degdega ah ay ku xoomeen goobta qaraxu ka dhacay.

Warar hordhac ayaa sheegaya in lix ruux ay dhinteen, ayna jiraan dhaawacyo fara badan oo la daad gureynayo..

Lama oga cidda lala beegsaday oo markaas ku sugneyd hotelka  iyo qasaaraha. waxayna ciidamadu xireen wadooyinka gala garoonka Diyaaradaha.

Faahfaahinta mar dhow filo Insha Allaah

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON