Qaraxyo ayaa ka dhacay magaalada Dortmund ee dalka Jarmalka, iyadoo qaraxyada ay ka dhaceen agagaarka Bas ay saarnaayeen kooxda kubadd cagta ee magaaladaasi ka dhisan ee Borussia Dortmund.
Wakaalada Wararka DPI ayaa sheegtay in saddex qarax ay goobta ka dhaceen, waxaana qaraxyada ay u aad ugu dhowaayeen Baska kooxda.
Farriin kooxda Borussia Dortmund soo dirtay ayaa lagu sheegay in ciyaaryahanadda oo dhan nabad qabaan marka laga reebo dhaawac gaaray Marc Bartra, laakiin waxaa wararkii ugu dambeeyay ay sheegayaan in miraayadihii baska ciyaaryahanadda ay burbureen.
Waxaa jir warar sheegaya in ciyaaryahanka Marc Bartra uu dhaawac gaaray, waxaana laga cabsi qabaa in dib loo dhigo ciyaar ay caawa la yeelan lahaayen kooxda Monaco.
Ciyaaryahanka reer Spain ee kooxda Borussia ee Marc Bartra ayaa la sheegay isbitaalka la dhigay
La soco faahfaahinta..
Wakaalado