Qeyb ka mida golaha wasiirada xukuumad cusub ayaa la filayaa inuu caawa ku dhawaaqo Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid Cali, iyadoo ay sii dhamaaneyso xilligii loo qabtay in Golaha wasiirada cusub lagu soo dhiso, taasoo ka dambeysay dib ula noqoshadii golihii wasiiradii hore ee 17-ka Janaayo 2015.
Wasiiro iyo wasiir ku xigeeno aan ka tirsaneyn Golaha Baarlamaanka ama aan ahayn xildhibaanno ayaa la filayaa inuu caawa shaaciyo Ra’iisal wasaaraha, iyadoo inta harsan la filayo in dib laga soo macagaabo.
Qeybtan Golaha wasiirada ka tirsan ayaa lagu sahminayaa Baarlamaanka, waxayna wasiirada la magacaabayo caawa ku dhow yihiin 20. Qorshahan waxaa soo alifay madaxweynaha iyo Faarax Sheekh C/qaadir si looga badbaado Baarlamaanka ku kacsan siyaasadda kooxda madaxweynaha.
Xubnaha la sheegayo inay ka mid noqon doonaan Golaha wasiirada cusub waxaa ku jira, Jeneraal hore, madax Jaamacadeed iyo madax xarumo baariseed, waxaa kaloo la hadal hayaa weriye caan ka ah xisbiga madaxweynaha iyo shaqsiyaad kale oo ku cusub masraxa.
Qorshaha cusub ayaa salka ku haya in Baarlamaanka la marsiiyo wasiiro aan xildhibaano ahayn kadibna dib laga magacaabo xubnaha kale ee harsan, taasoo aan la ogeyn sida ay uga fal celin doonaan Isbaheysiyada Kutlooyinka ee baarlamaanka ka dhex sameysmay.
Goobjooge.com
Muqdisho
[ad name=”HTML”]