Tuesday, June 24, 2025

DEGDEG: Rag Mindiyo ku hubeysan oo dad ku afduubatay Kaniisad ku taala dalka Faransiiska

Laba nin oo ku hubeysan Mindiyo aayaa weerar ku qaaday Kaniisad ku taala duleedka Rouen,  Gobolka Waqooyiga ku yaala  ee Normandy dalka Faransiiska.

Labada nin ee weerarka qaaday ayaa waday Tooreey, waxayna Kaniisada ku qabsadeen afduub ahaan dhowr qo, sida uu sheegay Booliska dalka Faransiiska.

Dadka Kaniisada lagu afduubta ayaa la sheegay inay gaarayeen ilaa shan ruux, iyadoo lix kale ay ka baxsadeen Kaniisada, sidan waxaa soo weriyay warbaahinta Faransiiska.

Dadka Kaniisada lagu heysto waxaa ka mida Wadaad Baadari ah, laba Sooro iyo laba kale oo dadkii Kaniisada joogay ka mid ahaa.

Waxaa la sheegay in labada nin ee Mindiyaha ku hubeysan ay dhaawacyo geysteen. Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in Booliska ay toogteen raggii weerarka ku qaaday Kaniisada la toogtay oo la dilay, dadkii ay afduubka ku qabsadeenna la soo badbaadiyay, balse qof ka mida la-heystayaasha uu dhintay.

Wakaalado

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON