Ra’iisal wasaaraha dalka Lubnaan Rafiiq Al-Xariiri ayaa ku dhawaaqay inuu xilka isla casilay, si toos ahna uu istiqaaladiisa u gudbinayo madaxweynaha dalkaasi,
Isagoo si toos ah ula hadlayey dadka dalkaasi ayuu sheegay in dhammaan dadaalladii la sameeyay ay socon waayeen oo albaab kasta uu soo xirmay, wuxuuna sheegay inay qasab ku noqotay inuu is casilo, isagoo raacaya rabitaanka shacabka dalkaas..
Arrintan ayaa ka danbeysay kadib bannaanbaxyo muddo saddex toddobaad ku dhow ka socday magaalooyinka dalkaasi oo lagu dalbanayey inay is casisho xukuumadda Lubnaan oo lagu eedeeyay waxqabad la’aan iyo musuqmaasuq.