Tuesday, June 24, 2025

DEGDEG: Ra’iisal wasaaraha oo codsaday in dib loo dhigo waqtiga xukuumadiisa la geynayo Baarlamaanka

Ra’iisal wasaaraha dowladda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali ayaa maanta qoraal uu soo gaarsiiyay guddoonka Baarlamaanka ku codsaday in xilliga uu baarlamaanka hor keenayo xukuumadiisa dib loogu dhigo ilaa 22-ka bishan, wuxuuna ka codsaday Baarlamaanka inay codsigiisa ka aqbalaan si uu isugu diyaariyo qorshaha xukuumadiisana isku duba rido.

Qoraalka codsiga oo saaka loo keenay guddoonka baarlamaanka ayaa goor dhoweyd laga akhriyay fadhiga baarlamaanka, taasoo guux weyn ka dhalisay xildhibaanada dhexdooda oo shalay u codeeyay in Sabtida la horkeeno xukuumada cusub baarlamaanka si codka kalsoonida loogu qaado. Hore ayay Goobjooge.com u sii shaaciyay in Ra’iisal wasaaruhu codsan doono waqti dheeraad ah oo ay ugu wacan tahay mucaaradnimada ku furan. (Akhri warkaasi)

Guddoomiya ku xigeenla labaad Mahad Cawad  ayaa codsiga Ra’iisal wasaaraha kadib sheegay in cod loo qaadayo codsiga, waxaase buuq iyo qeylo ka hor keenay qaar ka mida wasiirada xukuumada cusub oo ku doadaya in codsiga la aqbalo oo aan cod loo baahneyn.

Warqad-ccc

Wixi soo kordha kala soco halkan

Goobjooge.com

Muqdisho

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON