Musharaxa xisbiga Mucaaradka ee Doorashada dalka Kenya Raila Odinga ayaa sheegay in nidaamka tirinta codadka Doorashada dalka Kenya la jabsaday.
Shir jaraa’id oo uu qabtay, kaasoo weli socda ayuu Raila Odinga uga hadlay in magacyo khaldan loo adeegsaday nidaamka electronikada ah ee lagu tirinayo codadka doorashada.
Wuxuu ku dooday in natiijooyinka soo baxay ay ahaayeen kuwo ku yimid jabsi lagu xaday codadkii doorashada iyadoo dadka jabsaday nidaamka ay natiijooyin been ah ku faafiyeen, natiijada la baahiyay ay tahay mid been abuur ah.
Wuxuu si cad u sheegay musharaxa NSA in natiijada guddiga Doorashada Kenya ay baahiyeen ay tahay been abuur.
Arrintan ayaa laga cabsi qabaa inay wax ka bedesho sidii nabadgelyada ahayd ee doorashadu ku dhacday.