Hoggaamiyaha Mucaaradka dalka Kenya Raila Odinga oo goor dhoweyd saxaafadda la hadlay ayaa soo saaray war culus.
Raila ayaa sheegay in tallaabada xigta ee ay qaadi doonaan ay ku dhawaaqi doonaan maalinta Talaadada ee soo socota, isagoo dadka u sheegay inuusan xilligan ka hor dhaceynin go’aanka ay ka qaadanayaan doorashada ka dhacday Kenya.
Wuxuu dadka Kenya ugu baaqay inaysan shaqo tegin maalinta Berri ah ee Isniinta oo ay ku dhaqaaqaan shaqo joojin xilli dadweynaha dadkaasi ay si rasmi ah shaqooyinkooda ugu laaban lahaayeen kadib olole doorasho iyo ku dhowaad 3 maalmood oo la sugayay natiijada.
Raila Odinga ayaa hadalkan kooban ka jeediyay xaruntiisa weyn ee Kibera, waxaana laga cabsi qabaa in mowqifkiisa adag uu xaaladda dalka Kenya ka dhigo mid qalalaase lugaha la gasha.
Guddoomiye ku xigeenka isbaheysiga mucaaradka ayaa dadka u sheegay inaysan daawan telefishinka NTV, isla markaana aanay iibsan wargeyska Daily Nation, arrintan oo keentay ee hawada laga saaro tebintii tooska ahayd ee NTV.