Rasaas culus ayaa ka dhacday goob lagu caweeyo oo ku taalla magaalada Orlando ee Gobolka Florida dalka Marykanka.
Nin dabley ah ayaa wararku sheegayaan inuu rasaas xoog leh ku furtay Baarka lagu caweeyo isagoo kadib madax furasho ahaan u qabsaday dad fara badan oo gaaraya 20 ruux.
Xaaladda ayaa kacsan waxaana dadka Baarka kasoo badbaaday ay sheegayaan in dhaawac iyo dhimasho ay goobta ka dhacday.
Boolis fara badan ayaa la geeyay goobta oo uu weli ku jiro ninka dableyda ah ee dadka ku afduubtay, waxaana la sheegayaa inuu heysto bam uu isku xiray.
@LDENBERG@pulseorlando glady, I wasn’t. On Pulse’s FB page, they made a post and comments on it have details. pic.twitter.com/AspFQJUyOI
— Billy Tsukino (@billytsukino) June 12, 2016
يتبع..