Rasaas ka dhacay magaalada Jowhar, goobta doorashada madaxweyne ku xigeenka ka socotay…
Rasaas ayaa ka dhacay magaalada Jowhar meel u dhow xarunta ay ka socotay doorashada madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi.
Rasaasta dhacday ayaa keentay inay hawada ka baxaan telefishanadii tooska u tebinayay doorashada, lama oga xaaladda.
Wararka ayaa sheegaya in rasaasta ay ahayd digniin ay rideen ciidamada AMISOM ee sugaya ammaanka, waxaana xaaladda ay hadda tahay mid caadi ah, iyadoo doorashadu aanay waxba u dhimin khalkhalkii yaraa ee ka dhashay rasaasta la maqlay.